Duqa cusub ee Garowe oo sheegay inuu horumarinayo caasimadda

Image

June 8, 2015 (GO)- Duqa cusub ee degmada Garowe ayaa ballan qaaday inuu dadaal badan ku bixin doono horumarinta caasimadda Puntland ee Garowe.

Axmed Siciid Geelle (Shoodhe) oo ka hadlayey munaasabad uu xilka kula wareegayey oo isla maanta ka dhacday xarunta hay'adda PDRC ayaa sheegay inuu xoogga saari doono xoojinta ammaanka iyo kor u qaadista bilicda magaalada.

"waxaan waqti badan iyo maskax iyo dadaalba gelinayaa sidii aan usii horumarin lahaa caasimadda Puntland ee Garowe...waxan xoogga saarayaa dhinacyada ammaanka iyo nadaafadda" ayuu yiri.

Dhanka kale, Shoodhe wuxuu ka codsaday qaybaha kala duwan ee bulshada inay si dhow ula shaqeeyaan isagoo wacad ku maray inuu qaadan doono dhammaan talooyinka uga yimaada dhanka dadweynaha.

June 3, 2015 ayey ahayd markii Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kala direy golihii deegaanka ee Garowe islamarkaana xilka ka qaadey duqii hore ee Garowe isagoo xilkaas usoo magacaabay Axmed Siciid Geelle (Shoodhe).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM