Duqa Muqdisho oo iska difaacay musuq-maasuq lagu eedeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka gobolka Banaadir ayaa iska difaacay eedaymo musuq-maasuq oo usoo jeediyay Guddiga Maaliyadda Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, taasoo ah inuu lusaday 16 milyan oo dollar.

War qoraal ah oo maanta oo Axad ah kasoo baxay xafiiska duqa Muqdisho, Eng Yariisow ayaa lagu sheegay in warbixinta Guddigu ay tahay “mid been abuur ah oo sumcad dil ah”.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhinaca isaga leexiyay in lacag cadadeedu gaaraysa 16 milyan ay soo gashay January illaa June ee sanadkan,  iyadoo uu qiray inuu 5.9 milyan uu kala baxay Koontada Bankiga Dhexe.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Lacagtan $5.9 million ay ku baxday mushahaarka shaqaalaha maamulka Gobolka Banaadir iyo mashaariic laga fuliyay Caasimadda, balse ma uusan soo bandhin wax cadeyn ah oo doodiisa ku xoojinayo.

Eng Yariisow oo xilka ku yimid magacaabid, ayaa iska fogeeyay eedeynta Guddiga BF ee ah inuu sameeyay ku tagrifal maaliyadeed, taasoo Guddiga Maaliyadda usoo jeediyay isaga iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu eedeeyay inuu ku fashilmay fulinta adeegyada bulshada, sida caafimaadka, Waxbarashada iyo soo celinta bilicda Caasimadda, oo wadooyinkeedu biyo fariistaan xilliyada roobka iyo nalalkii cad-ceedda ku shaqeynayay oo wada densan, iyadoo shacabka iyo ganacsatada bixiyaan lacago canshuuro ah.

Hadalka is-difaacid ah ee kasoo baxay xafiiska Gudoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa imaanaya xili shalay oo Sabti ahayd Beyle hortagey Gollaha Shacabka, islamarkaana iska difaacaya eedeynta Guddiga Maaliyadda.

Beyle ayaa lagu eedeeyay inuu miisaaniyadda 2018 kusoo darin $20 milyan, oo ka hartay $50 milyan oo Sacuudiga dowladda Federaalka ugu deeqay 2017, taasoo Guddiga Maaliyadda uu sheegay in la lunsaday.

Xubnaha Guddiga qaarkood oo markii Beyle hortagay Gollaha Shacabka ayaa bedalay mowqifkooda, iyagoo sheegay in aanan wax latashi ah lagala sameynin warbixinta, taasoo ugu dambeyntii gudoonka Golluhu laalay, raalgelina ka siiyay Wasiirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM