​Duqayn ka dhacday Ceel-cadde, gobolka Gedo

Image

MUQDISHU, Somalia- Wararka laga helayo deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay abaaro Sagaalkii Habeen duqayn lala eegtay saldhig kooxda Shabaab halkaasi ku lahayd.

Xiriirro aan la samaynay dadka deegaanka waxaa adkaatay inaan helno xaqiiqada rasmiga ah ee ku salaysan khasaaraha ka dhashay duqayntan oo ay fuliyeen diyaarado dhawr ah oo aan ilaa hadda la caddayn cidda iska lahayd.

Warar madax bannaan oo aan ka helnay deegaanka Ceel-cadde waxay noo sheegeen in  duqayntu ku koobnay saldhigga Al Shabaab islamarkaana aysan jirin wax khasaaro soo gaaray shacabka.

Ruux magaciisa u qariyay sababo amni ayaa GO u sheegay in xalay goor dambe maqleen guuxa diyaaradu dul heehaabaya deegaanka kuwaasoo daqiiqado kadib duqayn xuwiyay saldhigga kooxdaasi.

Mallayshiyaad katirsan Al Shabaab ayaa gacanta ku hayay deegaankaasi wixii ka dambeeyay weerarkii 15 Junuary lagu laayay ciidamo Kenyan ah kuwaasoo saldhig kulahaa Gobolka Gedo.

Majirto cid katirsan saraakiisha amniga iyo dowladda Federalka Somalia oo ka hadashay duqayntaasi.

Weeraro ay fuliyeen diyaarado aan lahayn duuliye ayaa weerarkii Ceel-cadde kadib duqaymo ku dilay dad shacab ah, waxaana gaystay ciidamada Kenya oo ka aar-gudanayay Al Shabaab.

Balse, mar sii horraysay maamulka Jubbaland ayaa arrintaasi naqdiyay.

Xaaladda deegaanka Ceel-cadde ayaa haatan dagan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM