​Duqayn ka dhacday deegaanka Birta-dheer, Jubbada hoose

Image

KISMAYO, Somalia- Wararka warsidaha Garowe Online ka helayo Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in Duqeyn dhanka Cirka ah xalay saqdii dhexe ka dhacday deegaan ku yaalla gobolkaasi.

Weerarkan oo ay fuliyeen diyaarado Ajnabi ah ayaa lala bartilmaameedsaday saldhiyo ururka Al Shabaab ku leeyahay deegaanka Birta-dheer, oo ku dhawaad 60KM dhanka Galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Ilo Wareedyo ku sugan deegaanka Birta-dheer, ayaa Garowe Online u sheegay inay xalay ku baraarugeen weeraray cirka ah oo ka socoto deegaanka, gaar ahaan goobo la sheegay inay ku suganyihiin Al Shabaab.

Mallayshiyaadka Al Shabaab ayaa dhankooda ka jawaabtay weerarkaasi iyagoo riday Hub Culus.

 Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay howlgalkaas, waxaana la sheegay in kooxdii la weeraray laga dilay tiro mallayshiyaad ah.

 Ciidamo katirsan dowladda Somalia, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa  qayb ka ahaa duqayntaas oo la sheegay inay gaysteen diyaaradaha Maraykanku oo muddooyinkii dambe weeraro joogto ah ka waday gobolka Jubbada hoose.

Shabaab ayaa ku xooggan gobolka, waxaana arrintan kusoo aaday xilli maamulka Jubbaland wadan howlgal ka dhan ah Al Shabaab.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka Jubbaland iyo kooxda la weeraray ee Al Shabaab.

Khamiistii tagtey, Ciidamo Mareykanka ah ayaa weeraray deegaanka Golashombi, ee galbeedka Kismaayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM