Duqeymaha cirka oo joogto ka noqday gobolka Mudug

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Duqeymaha dhanka cirka ah ayaa maalmihii ugu dambeeyay joogto ka noqday koonfurta gobolka Mudug, ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa saddex weerar ka fuliyay degaano hoostaga degmada Xarardheere, halkaasi oo lagu dilay ugu yaraan 37 xubnood oo katirsan Kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay shalay AFRICOM.

Duqeymaha ayaa ka kala dhacay tuulooyinka Dabad-Shiil, Cadaleey, Maamiye iyo Kulu, oo dhamaantooda ay maamusho Al-Shaabab, waxaana AFRICOM ay sheegtay in duqeymahan ay gacan ka siisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dadka shacabk ah ee ku nool Koonfurta gobolka Mudug ayaa soo wajahday cabsi xooggan oo ku aadan duqeymaha diyaaradaha Mareykanka, kuwaasoo kasoo dhasha khasaarooyin rayidka soo gaara.

Waa duqayntii 4aad oo sanadkaan gudahiisa uu Mareykanka ka fuliyo gobolka Mudug xili bishii hore ay ahayd markii meel ku dhow degmada Xarardheere lagu dilay ku dhowaad 60 kamid ah Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa tan iyo markii Trump la doortay dhamaadkii 2016, waxa ay ciidamadiisa ka jooga Africa kordhiyeen weerarada duqeymaha ah ee ka dhanka ah Kooxaha argagaxisada ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan Al-Shabaab iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM