​Duqeyn Cirka ah oo ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe

Image

BU'ALLE, Somalia- Diyaarado dagaal, oo aan la ogayn dalka laga leeyahay ayaa Weerar Cirka ah ku qaadey saldhig Al shabaab ku leeyihiin duleedka degmada Bau'aalle, ee gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeynta waxay ka dhacday deegaanka Waraha-Dhoobley, oo qiyaastii 45Km dhanka Galbeed uga beegan magaalada Bu'aalle, halkaasi oo fariisimo ku leedahay Kooxda Al shabaab.

Dadka deegaanka, ayaa GO u sheegey in Diyaaradahaas Gantaallo ku garaaceen saldhig kooxdaas ku tababarto Malleeshiyaadkeeda, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Malleeshiyaad badan ayaa gaarey saakay deegaanka Xalay ay duqeyntu ka dhacday, waxaana ay sameeyeen howgallo ballaaran, oo dad badan kusoo qab-qabteen, sidaas waxaa noo sheegay goob joogayaal ku sugan Bu'aale.

Duqeynta ayaa dhacday saacado kadib markii Al shabaab ay fasaxeen Isgaarsiinta Gobollada Jubbooyinka oo Todobaadyo kahor hawada ay ka saareen.

Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa inta badan ka fuliyo weerarada cirka ah oo inta badan lala beegsado goobaha ay ka taliyaan Kooxda Al Shabaab, ee Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM