Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Mudug [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliy - Milatariga Mareykanka ayaa xaqiijiyay in howlgal dhinaca cirka ah oo uu ka fuliyay tuulada Quy Cad, oo kaabiga ku haysa degaanka Caad oo ka tirsan gobolka Mudug ay ku dileen xubno ka tirsan xoogaga Al-Shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaarada Afrika, kaasi oo loosoo gaabiyo AFRICOM, waxaa lagu sheegay in duqaynta oo lala beegsaday Kolanyo ay ku dhinteen sadex xunood oo kamid ah Al-Shabaab.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warbaahinta inay maqleen daryanka ku dhowaad saddex Gantaal, kuwaasi oo ay hoosta ka xariiqeen inay ku kala dhaceen Saldhigyo ay Al-Shabaab leedahay iyo Gadiid dagaal oo ay kooxdu leedahay.

“Duqayn lagu taageerayey dadaalada dowlada Soomaaliya ee ciribtirka AlShabaab, oo uu Mareykanka fuliyay gobolka Mudug 27-da November [Talaadadii] ayaa lagu dilay saddex argagaxiso ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

AFRICOM ayaa meesha ka saartay in howlgalkaan ay waxyeelo kasoo gaartay dad Rayid ah, maadaama mararka qaarkood lasoo wariyo in duqaymaha Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya ay shacab ku wax noqdaan.

Weerarkaan cirka ah ayaa imaanaya xili bartamahihi bishaan uu si lamid ah Mareykanka in ka badan labo duqaymo uu Al-Shabaab kula bartilmaameedsaday isla gobolka, halkaasi oo ku dilay ku dhowaad 40 xubnood.

Duqeynta waxa sidoo kale kusoo beegmaysaa xilli maalintii shalay uu Muqdisho soo gaarey Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa, kaasoo kulamo la yeeshay Farmaajo iyo mas'uuliyiin katirsan wasaaradda difaaca Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM