Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Jubbada hoose

Image

AFMADOW, Somalia - Ciidamada Cirka Kenya ayaa xalay Duqeyn diyaaradeed ka fuliyay deegaan ay Al shabaab maamusho, oo ku yaalla Gobolka Jubbada hoose, taasi oo ka dhalatay khasaarooyin kala duwan oo gaarey shacab Xoolo dhaqato ah.

Duqeynta oo ahayd mid culus, ayaa waxay Diyaaradaha Kenya la eegteen Fariisin Al shabaab ay ku leedahay Tuulada Weelmarow, oo ku taalla duleedka degmada Afmadow, waxaana khasaaro uu kasoo gaarey dhowr qof oo rayid ah iyo xoolo fara badan oo ku dhintay.

Mid kamid ah Dadka deegaan ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in duqeynta ay ku dhaawacmeen dhowr qof oo shacab ah, islamarkaana ay ku dhinteen in ka badan 10 neef oo Geel ah.

Wararka ayaa sheegay in weerarka cirka lala bartilmaameedsaday Saldhig ay Al shabaab ku leedahay deegaanka, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Saraakiil katirsan Kooxda, oo tababar usoo xirayay dagaalyahano cusub.

Al shabaab ayaa beenisay in khasaaro uu kasoo gaarey weerarka Diyaaradaha Militariga Kenya, waxayna xaqiijisay in ku dhawaad 10 Neef oo Geel ah lagu dilay Duqeynta. Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Jubbaland iyo Kenya oo ku aadan weerarka iyo khasaaraha ka dhashay.

Diyaaardaha Dagaalka Ciidamada Cirka ee dowladda Kenya ayaa dhowr jeer duqeyn ka fuliyay deegaano katirsan Gobalka Jubada Hoose, waxaana weerarkii ugu dambeeyay oo ka dhacday Degmada Badhaadhe lagu dilay 6 qof oo shacab ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM