Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Koonfurta gobolka Mudug

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Wararka laga helayo Koonfurta gobolka Mudug, ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeyn cirka ah ka fuliyeen duleedka degmada Xarardheere, halkaasi oo ay ku sugan yihiin xoogaga Al-Shabaab.

Sarkaal katirsan ciidamada Galmudug, oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in duqeynta lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil katirsan Al-Shabaab xilli ay marayeen degaan lagu magacaabo Cadaleey, oo ku dhaw Xarardheere.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay xubno kamid ah Al-Shabaab, inkastoo aan la shaacin tirada rasmiga ah. Weerarka ayaa loo maleynayaa inay fuliyeen diyaaradaha Militeriga Mareykanka.

Wali Al-Shabaab wax war ah kama aysan soo saarin duqeynta, oo noqonaysaa midii ugu dambeeysay oo ka dhacda Soomaaliya, oo lala eegto Kooxaha argagaxisada ka howlgala dalka.

Mareykanka ayaa ka jooga Soomaaliya Askar badan, oo saldhigyo qarsoodi ah ku leh Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo fuliyo howlgallada gaarka ee lagu khaarijinayo hogaamiyayaasha Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM