Duqeyn ka dhacday Gobolka Jubbada Dhexe

Image

JILIB, Somalia - Diyaarado dagaal ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay saaka oo Khamiis ah deegaan ay Al shabaab maamusho, oo katirsan gobolka Jubbada Dhexe, ee Koonfurta dalka Somalia.

Duqeyntan oo loo malaynayo inay gaysteen Diyaaradaha Mareykanka, ayaa ka dhacday Tuulo lagu magacaabo Sheekh Axmed Yare, oo ku yaalla inta u dhaxaysa degmooyinka Jilib iyo Kamsuuma.

Mid kamid ah dadka deegaanka, ayaa Duqeynta u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online, isagoo sheegay in diyaaradaha ay dhowr gantaallo ku dhufteen goobo kala duwan, oo halkaasi ku yaalla.

Wuxuu sheegay inay jiraan khasaarooyin kala duwan, oo shacabka deegaanka ku nool kasoo gaarey Duqeynta, oo ahayd mid culus. Al shabaab ayaa la sheegay inay ku jawaabtay Lidka-Diyaaradaha.

Degmada Jilib, ayaa si aad ah loo maqlay jugta gantaalaha ay ridayeen diyaaradaha ku garaaceen Tuulada Sheekh Axmed Yare, oo 50KM u jirta, taasi oo argagax way ku abuurtay dadka deegaanka.

Ma jirto wax war ah, oo kasoo baxay Al shabaab oo ku aadan weerarka cirka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM