Duqeyn "lagu dilay" hogaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa sheegtay in Talaadada maanta ah ay laba duqeyn oo dhanka cirka ah ka fuliyeen degaanada Jamaame iyo Deb Scinnele ee ka kala tirsan gobolada Jubbada Hoose iyo Shabeellaha Hoose ee koonfurta wadanka Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM, howlgaladaas waxaa lala beegsaday maleyshiyo katirsan Al-Shabaab.

"Qiimeynta horudhaca ah waxay sheegeysaa in duqeymaha lagu dilay saddex Al-Shabaab ah," ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM.

Qoraalkan uu nuqul kamid ah arkay Garowe Online ayaa la raaciyey "qiimeynta taliska waxay muujineysaa in aysan jirin shacab ku dhaawacmay ama ku geeriyooday howlgalkan".

Dagvin Anderson, taliyaha howlgalka isku-dhafka AFRICOM, ayaa sheegay "in hogaamiyeyaasha lala eegtay duqeynta ay ku lug-lahaayeen fududeynta iyo qorsheynta qaraxyada iyo tababarida dagaalameyaasha".

Anderson oo xusay in beegsiga horjoogeyaashan ay hoos u dhigeyso awooda ay Al-Shabaab u leedahay in ay howlgalo fuliso ayaa intaas ku daray in kala sii shaqeyn doonan dowladda baaciga xoogaga hubeysan.

Taliska AFRICOM ayaa dardargeliyey duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab tan iyo markii horaantii todobaadkan ay la baxeen ciidamadda ka jooga Soomaaliya kuwaas oo loo wareejiyay dalalka Jabuuti iyo Kenya. Talaabadan waxay u muuqataa mid ay ku muujinayaan joogitaankooda dadban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM