Duqeyn "lagu dilay" hogaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa sheegtay in Talaadada maanta ah ay laba duqeyn oo dhanka cirka ah ka fuliyeen degaanada Jamaame iyo Deb Scinnele ee ka kala tirsan gobolada Jubbada Hoose iyo Shabeellaha Hoose ee koonfurta wadanka Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM, howlgaladaas waxaa lala beegsaday maleyshiyo katirsan Al-Shabaab.

"Qiimeynta horudhaca ah waxay sheegeysaa in duqeymaha lagu dilay saddex Al-Shabaab ah," ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM.

Qoraalkan uu nuqul kamid ah arkay Garowe Online ayaa la raaciyey "qiimeynta taliska waxay muujineysaa in aysan jirin shacab ku dhaawacmay ama ku geeriyooday howlgalkan".

Dagvin Anderson, taliyaha howlgalka isku-dhafka AFRICOM, ayaa sheegay "in hogaamiyeyaasha lala eegtay duqeynta ay ku lug-lahaayeen fududeynta iyo qorsheynta qaraxyada iyo tababarida dagaalameyaasha".

Anderson oo xusay in beegsiga horjoogeyaashan ay hoos u dhigeyso awooda ay Al-Shabaab u leedahay in ay howlgalo fuliso ayaa intaas ku daray in kala sii shaqeyn doonan dowladda baaciga xoogaga hubeysan.

Taliska AFRICOM ayaa dardargeliyey duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab tan iyo markii horaantii todobaadkan ay la baxeen ciidamadda ka jooga Soomaaliya kuwaas oo loo wareejiyay dalalka Jabuuti iyo Kenya. Talaabadan waxay u muuqataa mid ay ku muujinayaan joogitaankooda dadban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM