Duqeyn lagu dilay shacab la socday Gaari BL ah gudaha Sh/Hoose [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay xalay saqdii dhexe duqeeyeen Gaari BL ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah.

Duqeynta oo la sheegay inay fuliyeen diyaaradaha ciidamada Mareykanka ayaa ka dhacday degaan lagu magacaabo Ukunji, oo ku dhaw Tuuladda Janaale, halkaasi oo ay maamusho Kooxda Al-Shabaab.

Gaariga la duqeeyay oo ah Caasi [HOMY] ayaa la sheegay inuu qudrad, digaag iyo badooyiin kale u waday magaaladda Muqdisho, waxaana ku dhacay gantaal ay soo riday diyaarad dagaal oo Mareykanka uu leeyahay.

Inta la xaqiijiyay hal ruux oo ahady haweenay ayaa ku geeriyootay duqeynta, halka lix kale oo shacab ah ay ku dhaawacmeen kuwaasoo la keenay magaaladda Muqdisho, lana dhigay Isbitaallo.

Sawirro goobta Al-Shabaab kasoo qaadey ayaa muujinaya goobo ganacsi iyo guryo la degan yahay oo tuuladda ku yaalla oo burbur soo gaarey.

Xilliga duqeynta waxaa la sheegay inuu degaanka ka socday howlgal dhulka ah oo ay wadeen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Mareykanka, oo bartilmaameedkoodu ahaa saldhigyada Al-Shabaab.

Wali ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan duqeynta taasoo qeyb ka noqonaysa howlgalka shacab badan khasaarooyin kasoo gaarey oo mudooyinkii dambe ka socda gobolka.

Ciidamada Mareykanka ayaa saldhig ku leh Balli-doogle, halkaasi oo ay ka abaabulaan howlgallada iyo duqeymaha ka dhanka ah degaanada Al-Shabaab maamusho ee gobolka Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM