​Duulimaadyada Muqdishu oo la joojiyay maalinta Doorashada

Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Somalia, ayaa shaacisay inaan duulimaad laga samayn doonin magaalada Muqdishu oo lagu wado in doorashada Madaxweynaha ka qabsoonto 08 Febreuary, 2017.

Balse doorashada ayaa waxaa ka harsan wax ka yar 48-saacadood, taasoo keentay in ammaanka aad loo adkeeyo is-lamarkaana la xiro waddooyinka caasumadda Somalia.

Sababaha loo xiray is-socodka gaadiidka ayaa lagu sheegay adkaynta amniga iyo sidii looga hortagi lahaa falal argagixiso oo kooxda Shabaab fuliso maalmaha doorashada.

Sidaas si lamid ah waxaa dowladda Somalia hakisay duulimaadyada diyaaradaha imaan jiray magaalada Muqdishu maalinta doorashada.

Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada xukuumadda waqtigeedu dhammaaday ee Somalia, Cali Jaamac Jangali ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inaysan imaan doonin duulimaadyo kala duwan asbaabo ku saabsan doorashada Madaxweynaha oo maalintaas dhacaysa.

Faah faahin dheeraad ah kama bixin sababta keentay in duulimaadka la hakiyo.

Ammaanka Muqdishu ayaa la adkeeyay, waxaana socda diyaar garowgii ugu dambeeyay iyadoo xilka Madaxweynaha u taaganyihiin 23 murashax.

Tallaabadan ayaa timid xilli maanta uu dhaqan galay amar kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir oo lagu xirayay waddooyinka Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM