Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Image
Image

Muqdisho — Shirkad diyaaradeed oo ka howlgasha Soomaaliya ayaa ammaantay mid ka mid ah duuliyayaasheeda kaddib markii uu si guul leh u dejiyay diyaarad rakaab ah oo cilad farsamo la kulantay, taas oo ku degtay xeebta ku dhow Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, iyadoo dhammaan 55 qof ee saarnaa ay badbaadeen.

Starsky Aviation ayaa sheegtay in go’aanka degdegga ah ee duuliyaha uu ahaa mid muhiim u ah badbaadinta 50 rakaab iyo shan ka mid ah shaqaalaha diyaaradda.

Diyaaradda oo ahayd nooca Fokker 50 ayaa la kulantay cilad wax yar kaddib markii ay ka duushay Muqdisho subaxnimadii Talaadada, waxaana duuliyeyaashu codsadeen in ay dib ugu soo laabtaan garoonka, sida ay sheegtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (CAA).

Diyaaradda ayaa ku degtay garoonka balse ku guuldarreysatay inay istaagto, iyadoo ka baxday dhabaha ay ku degto (runway) kuna dambeysay biyo fadhiya oo ku teedsan Badweynta Hindiya, ayuu yiri Agaasimaha CAA, Axmed Macallin Xasan.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee cilladda keentay shilka.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta, iyadoo aan la soo sheegin wax dhaawacyo culus ah.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika si degdeg ah loo geeyay goobta si ay uga qeyb qaataan gurmadka. Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya ayaa isna goobta tagay.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan xaqiijino in dhammaan rakaabka iyo shaqaalihii diyaaradda ay nabad qabaan. Baaritaanno ayaa socda si loo ogaado sababta cilladda farsamo,” ayuu yiri afhayeenka Starsky Aviation, Xasan Maxamed Aadan.

Wuxuu intaa ku daray in “go’aanka degdegga ah ee duuliyaha iyo degganaantiisa ay door weyn ka qaateen badbaadinta dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM

Xasan Sheekh oo Raadinaya xilka Mar 3aad xili Dood Ka taagan tahay Dastuurka Soomaaliya

Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa si isdaba joog ah u carqaladeeyay fadhiyada baarlamaanka labada aqal.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 12:22PM