Eng Yariisow iyo mas'uuliyiinta kale oo loo duuliyey dalka Qadar

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo mas'uuliyiinta kale ee ku dhaawacantay weerarkii Al-Shabaab ee Dowladda Hoose ayaa loo duuliyey waddanka Qadar.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng Yariisow] oo la sheegay in qaybaha sare ee jirka ay waxyeelo kasoo gaareen ayaa tan iyo shalay ku jiray isbitaalka Turkigu maamulo ee Digfeer.

Sababta keentay in mas'uuliyiintan dalka dibaddiisa loo qaado ayaa lagu sheegay markii loo baahday daaweyn dheeraad ah xili Eng Yariisow tan iyo markii uu dhaawacmay lagu sameeyay laba qaliin.

Diyaaradda Ciidanka Cirka ee Qadar gaar ahaan nooca loogu talogalay in lagu daad-gureeyo dhaawacyada oo timid Muqdisho ayaa qaaday dhaawacyadda madaxdan.

Sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta, qaraxaasi oo is-miidaamin ahaa ayaa waxaa fulisay haweenay aragga la' isla markaana kamid ahayd shaqaalaha xafiiska duqa magaala madaxda Soomaaliya.

Tani ayaa ka dhigeysa markii afaraad, inta la ogyahay, oo ay Al-Shabaab dumar u adeegsato weerarada is-qarxinta oo mudooyinkii dambe aad ugu soo badanaya geyiga Soomaaliya.

Su'aallo ku aadan qaabka ay haweenaydan ku gashay gudaha xarunta ayaa soo ifbaxaya iyadda oo xarunta gobolka aad loo ilaaliyo ayna yaaliin qalab casri ah oo dadka lagu hubiyo.

Maxamed Cabdullaahi Tuulax, gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir ayaa sheegay in tuhunka jira uu yahay in qof kale oo gudaha ku jiray uu fududeeyay weerarka.

Mr Tuulax oo ka gaabsaday in uu ka horudhaco baaritaan ay wadaan laamaha ammaanka ayaa wuxuu shaaciyey in natiijada "wax kasta lagu kala caddeyn doono".

Wadar ahaan dadka ku naf-waayey dhacdadan ayaa tiradooda lagu sheegay todoba oo isugu jira gudoomiyeyaal degmo, agaasimeyaal iyo lataliye dhanka sharciga u qaabilsanaa Eng Yariisow.

Qaraxan ayaa wuxuu yimid iyadda oo hay'addaha nabad-gelyadda ay bixinayeen mudooyinkii dambe digniino dhanka amniga, isla markaana ay sheegeen in ay jiraan qaraxyo caasimada ku jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM