Eng Yariisow oo ku dhaawacmay qarax lagu weeraray xafiiskiisa

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho ayaa ku dhaawacmay qarax lagu weeraray xafiiskiisa, maanta oo Arbaco ah.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng Yariisow] ayaa loola cararay goobaha caafimaadka si loola tacaalo xaaladiisa, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo.

"Qaraxa oo is-miidaamin ahaa wuxuu ka dhacay gudaha xarunta Dowladda Hoose," sidaasi waxaa GO telefoonka ugu sheegay Maxamed Cabdi, sarkaal ka tirsan bileyska.

Xogta ayaa waxay intaasi raacineysa in qaraxa uu ka dhacay hool uu Eng Yariisow shir kula lahaa gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo saraakiil kale.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gudoomiyeyaal degmo ay kamid yihiin dadka ku geeriyooday qaraxan, isla markaana dhaawaca ay ku jiraan mas'uuliyiin heer degmo iyo mid gobol.

Alle ha u naxariistee, Sabaax Cabdullaahi Maxamed, gudoomiyaha degmada Cabdicasiis iyo kan degmadda Waaberi, Mahad Cilmi ayaa la xaqiijiyey in lagu khaarijiyey is-miidaamintan.

Illaa iyo haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkan, balse dhacdooyinkan oo kale waxaa looga bartay dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa dhacay saacado kadib markii markii uu xarunta dowladda hoose uu ka baxay ergayga Qaramada Midoobay, kaasi oo shir la lahaa gudoomiye Yariisow.

Talaadadii ayey ahayd markii qarax ka dhacay isgoyska KM 4 ee magaaladda caasimada ah ee Muqdisho lagu dilay ku dhowaad 20 ruux, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 25.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM