Erdogan oo safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya kadib markii uu xilkii ka xayuubiyay danjirahii hore ee u qaabilsanaa wadanka, kaasi oo lagu magacaabo Olgan Bekar.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Erdogan ayaa lagu sheegay in safiirka cusub uu noqonayo Mehmet Yilmaz, kaasi oo xafiiska la wareegi doono dhowaan, islamarkaana shaqada halkeeda kasii wadi doona.

Talaabadani ayaa imaaneysa xili Muqdisho ay yimaadeen Arbacadii wafdi balaaran oo ka socday xukuumada Ankara, oo uu hogaaminayey Wasiirka Difaaca, oo kulamo kala duwan la qaatay madaxda dowlada.

Turkiga ayaa kamid ah dalalka sida wayn utaageera Soomaaliya oo kasoo kabaneysa colaad waxaana ay galaan-gal badan ku leedahay Ankara siyaasada gudaha ee dowladda waqti xaadirkaan jirta.

Shirkado laga leeyahay dalkaan qaarada Yurub ka tirsan ayaa maamula goobo muhiim u ah dhaqaalaha dalka, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha sida Dekada Muqdisho iyo madaarka caalamiga ah ee Muqdisho.

Maamulka Farmaajo ayaa si wayn ugu dawaaqay Turkiga wixii ka dambeeyay markii uu dilaacay khilaafka dalalka Khaliijka, kaasi oo la safatay Villa Somalia dowlada Qadar oo xiriir dhow la leh Recep Tayyip Erdogan.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo dhowaan soo hadal-qaaday xiisaddani wuxuu qiray in saameyn uu ku yeeshay dalka, inkasta oo dusha ka saarey masuuliyada dhibaatooyinkaasi madaxda dowladii horey.

Olgan Bekar oo ah 49-sano jir, kaasi oo leh labo caruur iyo xaas, islamarkaana ku dhashay magaalada Gülnar ee dalka Turkiga sanadkii 1969 ayaa shaqada Soomaaliya loosoo magacaabay 1-da bishii November ee sanadkii 2014.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM