Ergada Soomaaliya iyo Sacuudiga ee OIC oo kulmay

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo xiriirkooda uusan fiicneyn sanadihii dambe ayaa kawada hadlay qaababka ay u xoojin karaan iskaashiga ka dhaxeeya, sidda lagu daabacay warsidaha Arab News.

Wadaxaajoodkaas wuxuu dhexmaray wakiilada labada waddan u fadhiya Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo Muqdisho oo ku metelo Cabdirisaaq Saciid Cabdi, halka Riyadh uu u qaabilsan yahay diblumaasiga Saleh Hamad Al-Suhaibani.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, labada mas'uul ayaa isla soo qaadey in caqabadaha haatan jira la xaliyo iyadda oo la eegayo wadajirka dalalka Islaamka.

"Al-Suhaibani wuxuu sheegay in iskaashiga iyo wadajir dalalka xubnaha ka ah ururka ay ahmiyadda koowaad u tahay Sacuudi Carabiya," ayuu bogga wariyey.

Dhanka kale, danjire Cabdirisaaq Saciid Cabdi ayaa ku nuux-nuux-saday in muhiim ay tahay in diiradda la saaro nabada, xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya.

"Wuxuu ku ammaanay Boqortooyadda [Sacuudi Carabiya] taageerada bini'aadanimo iyo midda horumarineed oo ay la garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed," ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta oo daabacay boggan.

Dowladda waqtiga ka dhacay ee Farmaajo ayaa bilooyinka ugu dambeeyay ee xil-heynteeda waxay bilowday in ay ku dedaasho soo celinta xiriirka kala dhaxeeya qaar kamid ah dalalka Khaliijka oo ay hoos-u-dhigtay maalmaheedii bilowga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maamuli Doonta Howlgalka AUSSOM

Moalim ayaa sheegay in horumar weyn laga sameeyay sugida deegaanada muhiimka ah iyo ka saarista khataraha argagixisada.

  • Soomaliya

    28-02-2025

  • 12:07PM

Maxay uga hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed Kulankoodii Muqdisho?

Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 06:11PM