Ergayga IGAD ee Somalia oo gaarey magaalada Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia -- Maxa'ed Cabdi Afey, Wakiilka IGAD ee Somalia iyo Wafdi uu hogaaminayay ayaa gaarey degmada Jowhar, ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Mas'uul katirsan Wafdiga Afey ayaa u sheegay GO in ujeedka socdaalka Ergayga IGAD ay tahay, sidii uu u dar-dar gelin lahaa furitaanka wajiga Labaad, ee Shirka Maamul u samaynta Hiiraan iyo  Shabeellaha Dhexe.

Maxa'ed Cabdi Afey iyo Madaxda la socoto, ayaa waxaa lagu soo waramayaa iney la kulmi doonaan odayaasha la filayo in shirka ka qeybgalaan, iyo maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shirka Jowhar oo furmay horaanta sanadkan, ayaa waxaa ragaadiyay khilaaf xooggan, oo u dhaxeeya dowlada  Federaalka Somalia iyo qaar kamid ah Beelaha gobolka Hiiraan.

Odiyaasha diidan shirka ee ku sugan Beledweyne, ayaa sheegay inay doonayaan wax ka duwan qorshaha dowladda, oo ah in gobolkooda loo sameeyo maamul u gaar ah.

Lama ogo in Maxa'ed Cabdi Afey uu ku guulaysan doono dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kahor Doorashada Bisha Oktoobar, 2016.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM