Ergayga IGAD ee Somalia oo gaarey magaalada Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia -- Maxa'ed Cabdi Afey, Wakiilka IGAD ee Somalia iyo Wafdi uu hogaaminayay ayaa gaarey degmada Jowhar, ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Mas'uul katirsan Wafdiga Afey ayaa u sheegay GO in ujeedka socdaalka Ergayga IGAD ay tahay, sidii uu u dar-dar gelin lahaa furitaanka wajiga Labaad, ee Shirka Maamul u samaynta Hiiraan iyo  Shabeellaha Dhexe.

Maxa'ed Cabdi Afey iyo Madaxda la socoto, ayaa waxaa lagu soo waramayaa iney la kulmi doonaan odayaasha la filayo in shirka ka qeybgalaan, iyo maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shirka Jowhar oo furmay horaanta sanadkan, ayaa waxaa ragaadiyay khilaaf xooggan, oo u dhaxeeya dowlada  Federaalka Somalia iyo qaar kamid ah Beelaha gobolka Hiiraan.

Odiyaasha diidan shirka ee ku sugan Beledweyne, ayaa sheegay inay doonayaan wax ka duwan qorshaha dowladda, oo ah in gobolkooda loo sameeyo maamul u gaar ah.

Lama ogo in Maxa'ed Cabdi Afey uu ku guulaysan doono dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kahor Doorashada Bisha Oktoobar, 2016.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM