Ergayga Qadar oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani, ergeyga gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan la dagaalanka argagaxisada iyo dhex dhexaadinta khilaafaadka, ayaa shalay soo gaarey Muqdisho.

Diblumaasigan heerka sarre ayaa waxaa la filayaa in mudada uu ku guda jiro booqasho laba cisho ah uu la kulmay mas'uuliyiin Soomaali ah oo muxaafid iyo mucaarad isugu jira iyo qaar kamid ah wakiilada Beesha Caalamka.

Wadaxaajoodyada ayaa, sida ay muujinayaan macluumaadyada laga helayo illo diblumaasiyadeed oo ku dhow xeradda Xalane, waxaa lagu waddaa in diirada lagu saaro arrimo ay ku jirto khilaafka doorashooyinka Soomaaliya.

"Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa maanta oo Sabti ah, Qeybta VIP ee dadka xushmadda leh lagu qaabilo ee Gegidda diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani, Ergeyga gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan la dagaalanka argagaxisada iyo dhex dhexaadinta khilaafaatka oo booqasho ku yimid dalka," ayay tiri wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Mudane Balal Cusmaan ayaa ka war bixiyay xaaladdihii ugu dambeeyay ee dalka ka soo cusboonaaday, isagoo boggaadiyay taageerrada kala duwan ee dowladda aanu walaalaha nahay ee Qatar".

"Kulanka ayaa intii lagu gudo-jiray looga hadlay siyaabaha lagu taageeri karo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si ay u gudato waajibkeeda qaran ee u saldhiggidda nabadda iyo deganaanshaha guud ahaan Soomaaliya iyo u gogol xaaridda doorashooyinka madaxtinimo iyo midka baarlamaaniga," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka wasaaradda.

Kahor socdaalkiisa Muqdisho, Dr. Mutlaq Al Qahtani, ayaa xarunta Somaliland ee Hargeysa kula kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda maamulkaas, Liibaan Yuusuf Cusmaan. Lama soo bandhigin fahfaahinta wadaxaajoodkooda.

Qadar iyo Turkiga ayaa gacansaar weyn la leh maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo. Balse, warar aan la xaqiijin waxay xusayaan in ay suurtagal tahay in ay u dabcaan cadaadiska kaga imaanaya gudaha waddanka iyo dibada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM