Ergooyinka Puntland iyo Dowladda Federaalka oo shirka ku kala kacey

Image

April 30, 2015 (GO)- Waxaa lagu kala kacay shirkii Dowladda Federaalka iyo Puntland uga socdey magaalada Garoowe.

Ergooyinka labada dhinac ayaa isaga baxay hoolka uu ka socdey shirku kaddib markii ay isku mari waayeen hal qodob.

Qodobka muranka dhaliyey ayaa ah mowqifka Dowladda Federaalka ee ku aaddan maamulka loo sameynayo gobollada dhexe.

Ergada Puntland ayaa dalbadey in kahor intaan loo gudbin ajendeyaasha kale ee shirka ay khasab tahay in Dowladda Federaalku caddeyso mowqifka ay  maamulkaas ka taagan tahay.

Dhank kale, ergada Dowladda Federaalka ayaa ku adkeystey in qodobkaas ka doodistiisa laga gudbo dibna loo dhigo.

Xubnaha kala metelaya Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa dib wadatashi ugula laabtey Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Cabdiweli Cali Gaas.

Lama oga halka uu ka dambeyn doono khilaafkan cusub ee soo kala dhex galay PuNtland iyo Dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM