Ergooyinka Shirka Jowhar oo loo qeybiyay Dastuurka iyo Dhaliilo soo baxay

Image

JOWHAR, Somalia- Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia ayaa Odayaasha Shirka Jowhar u qeybisay Nuqullo kamid ah Dastuurka uu yeelan doono Maamulka ay u dhisayaan dadka ku dhaqan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Odayaasha ayaa la siisay Fursad dhowr Maalmood ah inay kusoo aqriyaan Dastuurka, si loo guda galo ka doodista Dastuurka Maamulka cusub, iyadoo lagu xisaabtamayo Watiga iyo Howlaha kale ee yaalla.

Ergooyinka ayaa la filayaa inay guda galaana dhawaan ansixinta Dastuurka, Magaca maamulka Cusub iyo Calanka uu yeelan doono, waxaana arrimahassi ka shaqeynaya Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo urur goboleedka IGAD.

Dhanka kale, Warar uu Warsidaha Garowe Online ka helayo Jowhar ayaa sheegaya inay jiraan Dhaliilo ay Odayaasha u jeediyeen dowladda Federaalka Somalia, waxaana Odayaasha Dhaqanka ay sheegeen in Dastuurka loo qeybiyay ay ku jiraan Qodobo aan ka tarjumaynin Danaha Gobolada maamulka loo samaynayo.

Shirka Jowhar oo galay Wajiga Labaad ayaa waxaa hareeyay Khilaafaad ku saabsan awood qeybsiga iyo Hanaanka Maamulka loo dhisayo, oo Odayaashu tilmaameen in aan loo madaxbanayn Go'aanka Shirka.

Sidoo kale, Wararku waxay xusayaan in Heshiis is-afgarad ah gaareen Wafdiga uu hogamainayo Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Waqtiga ka dhamaaday ee Somalia Maxamed Cumar Carte iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay Labo Qodob oo kale ah;

  • In si degdeg ah loo bilaabo Wadahadal leysugu soo dhaweeynayo kala aragti duwanaanta jirta
  • In Xukuumada Waqtigeedu dhamaaday xaliso caqabadha siyaasadeed ee hortaagan geedi socodka dhismaha maamulka labada gobol.

Ugaas Xasan Ugaas Khilaaf ayaa tan iyo markii la caleemo saaray wuxuu si aad ah uga soo horjeeday inuu qeyb ka noqdo Hanaanka Maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee ka socdo Jowhar.

Xukuumadda waqtigu ka dhammaaday ayaa dadaal ugu jirta qaabkii dhaqso loogu dhisi lahaa maamulkan cusub si uu qayb uga noqdo doorashada waddanka ka dhici doonta dabayaaqada 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM