Eritrea oo beenisay in Ciidamo usoo dirayso Soomaaliya

Image

ASMARA - Dowladda Eritrea ayaa beenisay warar sheegaya inay ciidamo usoo dirayso dalka Soomaaliya, kadib markii Madaxweyne uu dhigiisa dalkaasi, Isaias Afwerki la saxiixday heshiis dhanka amniga markii uu booqashada ku tagey Asmara bishii July ee 2018.

Wasaaradda Warfaafinta Eritrea ayaa sheegtay in been abuur yahay warka lagu daabacay bogga "Indian Ocean Newsletter" ee ah inay 5,000 oo Askari u dirto Soomaaliya markii qeybta ugu horeysa ee AMISOM ka baxaan dalka bisha Febuary ee 2019.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in Eritrea uusan qorshaha ugu jirin xiligan inay ciidamo u dirto Soomaaliya, balse uu jiro heshiis saddex geesood ah oo dalalka gobolka isaga kaashanayaan arrimaha amniga.

Website-ka Indian Ocean Newsletter, oo wax ka qora arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha dalalka Africa, gaar ahaan kuwa ku yaalla Badweynta India ayaa 21-kii bishan sheegay in Madaxda Eritrea iyo Itoobiya ay Farmaajo u balan-qaadeen in ciidamo buuxiya booska AMISOM ay Soomaaliya usoo diri doonaan 2021-ka.

Dowladda Eritrea waxay ku tilmaantay in wararka noocan ah ay yihiin kuwa marin-habaabin ah, oo loogu talo-galay in lagu dhaawaco isbedelka ka socda gobolka Geeska Africa, oo dalalka ku yaalla ay hadda iskaashi iyo wax wada-qabsi usoo jeysteen.

Eritrea ayaa dhawaan laga qaadey cunaqabateyn mudo saarnayd, taasoo Gollaha Amaanka kusoo rogeen 2009 kadib markii lagu eedeeyay inay taageertay Maxkamadihii Islaamiga, hub iyo dhaqaalo siin jirtay, si ay uga adkaadaan ciidamada Itoobiya, maadaama khilaaf kala dhaxeetat Addis Ababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM