Eritrea oo beenisay in Ciidamo usoo dirayso Soomaaliya

Image

ASMARA - Dowladda Eritrea ayaa beenisay warar sheegaya inay ciidamo usoo dirayso dalka Soomaaliya, kadib markii Madaxweyne uu dhigiisa dalkaasi, Isaias Afwerki la saxiixday heshiis dhanka amniga markii uu booqashada ku tagey Asmara bishii July ee 2018.

Wasaaradda Warfaafinta Eritrea ayaa sheegtay in been abuur yahay warka lagu daabacay bogga "Indian Ocean Newsletter" ee ah inay 5,000 oo Askari u dirto Soomaaliya markii qeybta ugu horeysa ee AMISOM ka baxaan dalka bisha Febuary ee 2019.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in Eritrea uusan qorshaha ugu jirin xiligan inay ciidamo u dirto Soomaaliya, balse uu jiro heshiis saddex geesood ah oo dalalka gobolka isaga kaashanayaan arrimaha amniga.

Website-ka Indian Ocean Newsletter, oo wax ka qora arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha dalalka Africa, gaar ahaan kuwa ku yaalla Badweynta India ayaa 21-kii bishan sheegay in Madaxda Eritrea iyo Itoobiya ay Farmaajo u balan-qaadeen in ciidamo buuxiya booska AMISOM ay Soomaaliya usoo diri doonaan 2021-ka.

Dowladda Eritrea waxay ku tilmaantay in wararka noocan ah ay yihiin kuwa marin-habaabin ah, oo loogu talo-galay in lagu dhaawaco isbedelka ka socda gobolka Geeska Africa, oo dalalka ku yaalla ay hadda iskaashi iyo wax wada-qabsi usoo jeysteen.

Eritrea ayaa dhawaan laga qaadey cunaqabateyn mudo saarnayd, taasoo Gollaha Amaanka kusoo rogeen 2009 kadib markii lagu eedeeyay inay taageertay Maxkamadihii Islaamiga, hub iyo dhaqaalo siin jirtay, si ay uga adkaadaan ciidamada Itoobiya, maadaama khilaaf kala dhaxeetat Addis Ababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM