Ethiopia oo sii deysey saraakiil ka tirsan ONLF

Image

June 4, 2015 (GO)- Dowladda Ethiopia ayaa sii deysey labo sarkaal oo ka tisan ururka ONLF, kuwaasoo sanadkii hore sirdoonka Ethiopia ku qabteen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Af-hayeenka ONLF, Caddaani Hirmooge oo u warramay idaacadda VOA ayaa xaqiijiyey sii deynta labada sarkaal oo lagu kala magacaabo Sulub Cabdi Axmed iyo Cali Axmed Xuseen (Cali Dheere).

"raggan dowladda Ethiopia ayaa ka afduubatey sanadkii hore magaalada Nairobi...sii deyntooda waxaa ka qayb qaatey dowladda Kenya iyo diblumaasiyiin caalami ah" ayuu yiri.

Dadka ka faallooda siyaasadda Ethiopia ayaa ku tilmaamey tallaabadan mid soo dhoweyn mudan, maadaama labada dhinac tanaasul sameeyeen isagana soo dhowaanayaan sidii ay sanado kahor ahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM