EU oo hakisay in ay si toos u kabto miisaaniyada DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Yurub ayaa tan iyo bishii June, 2020 wuxuu hakiyey taageeradii uu sidda tooska ah u siin-jiray Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, sidda uu wariyey wargeyska afka dheer ee The Economics.

Sidda ku xusan warbixinta, deeqdaas oo lagu kabi-jiray miisaaniyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa loo joojiyey sababo la xiriira walaac EU-da la qabto in lagu shubto doorashooyinka aan wali lagu heshiin.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo sarin ama ka hadlin talaabadda Midowga Yurub.

Bishii December, 2020, ra’iisul wasaarihii 19aad ee Soomaaliya haddana ah Musharax madaxwayne Xasan Cali Khayre wuxuu shaaciyey in qeyb kamid ah deeq-bixiyeyaasha ay hakiyeen taageeradooda dhaqaale.

Isaga oo ka hadlayey kulan ay musharaxiinta ku qabteen Hotel Afrik, Khayre ayaa ka dhawaajiyey in hakintaas ay salka ku hayso khilaafka ka taagan qabsoomida doorashooyin daahfuran oo laga wada qeyb-saato.

"Dowladda Soomaaliya ciidankeeda waxay taageero uga baahan yihiin dalal kamid ah Beesha Caalamka oo qalab iyo dhaqaalaba ku bixiya. Doorashadda lagu muransan yahay awgeed ayaa la joojiyey qaar kamid ah caawinaadii ciidanka la siin jiray waa in la idin sheegaa waxa dalkiina ka socda," ayuu ku daray.

Balse, sii-haayaha wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa gaashaanka ku dhuftay hadalka Khayre, isaga oo xusay in kaalmadda deeq-byxiyeyaasha aysan wax iska bedelin.

"Haba yaraatee, ma jiraan," ayuu kaga jawaabay su'aasha laga waydiiyey hadalka Khayre. "Lacagaha nala siiyo waxay ka yimaadaan saddex meelood. EU-da, Bangiga Horumarinta Afrika iyo Baanka Aduunka. Hadda World Bank waxaan ka fileynaa kab kale oo horey ay noo siiyeen oo dhan 100 milyan. EU-dana 100 milyan waxayna na siiyeen 50 milyan, inta hartayna way nasiinayaan. Sheekadaa meel laga keenay ma garanayo waa iska mala awaal," ayuu tibaaxay.

James Swan, ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa horey uga digay in is-faham-waaga doorashooyinka uu curyaami karo guulaha Soomaaliya ka gaartay dib-u-qaabeynta maaliyada.

“Dhamaan dib-u-habeynta maaliyadda waa mid dhiiragelin mudan. Balse, is-mari-waaga siyaasadda wuxuu caqabad ku noqonayaa horumarka laga sameeyay meelo badan,” ayuu hoosta ka xariiqay.

Talaabadda Midowga Yurub ayaa haddii la xaqiijiyo waxay kamid noqon kartaa cawaaqib-xumadda  dalka ka dhexlay is-jiid-jiidka doorashooyinka oo umuuqda mid rajadda laga qabo in la xaliyo aysan buurneyn, wallow shir loo madlan-yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay uga hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed Kulankoodii Muqdisho?

Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 06:11PM

Somaliya iyo Azerbaijan oo Kala Saxiixay Heshiis Shidaal

Heshiisku wuxuu ujeedkiisu yahay in la xoojiyo iskaashiga iyo is-weydaarsiga aqoonta, iyadoo la ka faa'ideysanayo khibrada Azerbaijan ee tamarta.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 12:46PM