Faah faahin Qarax ka dhacay Warshaddii hore Nac-naca ee Muqdishu

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Mallayshiyada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada Qarax xoog leh oo maanta ka dhacay Warshadii hore nac-naca ee magaalada Muqdishu, halkaasoo lagu tababaro ciidamo katirsan dowladda Federaalka Somalia.

Qaraxa oo uu fuliyay ruux isku soo xiray walxaha qarxa islamarkaana soo xirtay dharka ciidanka ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen 5 askari iyo gabar yar oo ka agdhaweyd xerada la weeraray.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay in kabadan 15 qof oo ay ku jiraan dad rayid ah.

"Qofka is qarxiyay waxaa lagu joojiyay albaabka xerada halkaasii oo uu isku qarxiyay'', ayuu yiri Abdiqaadir Faarax oo ku sugnaa gudha xerada marka uu weerarku dhacayay.

Faarax oo u warramay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in xerada ay shir ku lahaayeen mas'uuliyiin ka tirsan milatariga.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha ammaanka dowladda Somalia.

Maanta oo kaliya waxaa Muqdishu ka dhacay Labo qarax oo midkood ahaa miino lagu xiray baabuur uu watay ruux katirsanaa wasaaradda waxbarashada Somalia.

Shalay ayay ahayd markii 15 qof lagu dilay weerar lagu qaaday kolonyo katirsan ciidamada dowladda Somalia oo la socday taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Qaraxyadan ayaa imaanaya xilli Madaxweynaha Somalia uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah ururka Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM