Faah faahin qaraxa ka dhacay Muqdishu [DHAGEYSO]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax loo adeegsaday Gaari HOMY ah ayaa galabta salaaddii Maqrib ka hor ka dhacay magaalada Muqdishu, kaasoo sababay khasaarooyin isagu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka ayaa dhacay kadib markii Askar Militariga Somalia katirsan uu ku joojiyay Barta-koontarool oo ku taalla Tiyaatarka Qaranka, oo ku dhaw xarunta Villa Somalia.

Kahor intuusan qarxin gaariga ayaa kusocday xawaare aad u sareeya.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa xaiijiyay in 5 ruux ay ku dhimatay qaraxa, sidoo kale ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 qof, oo u badan shacab.

Dadka dhintay waxaa u badanaayeen Haween Qaad ku iibin jirey Afaafka Tiyaatarka, oo ay marta wado aad u mashuul badan xilliga galabta, maadaama dadka ay u rawaxayaan Guryahooda.

Khasaaraha ayaa wararka waxay sheegayaan inuu gaarayo 10 qof, oo saddex Askar yihiin. Dhaawacyada oo kor u dhaafayo 12 ruux ayaa loo qaadey Isbitaallada si loogu daweeyo.

Weerarkan ayaa lagusoo beegay xilli maanta la magacaabay golaha wasiirrada xukuumadda Federaalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM