​Faah faahin qaraxa magaalada Baladweyne

Image

BALADWEYNE, Hiiraan- Faah faahin dheeraad ah oo laga helayo khasaaraha ka dhashay weerar saaka lagu qaaday saldhigga ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baladweyne, ayaa sheegaya inay ku dhinteen tiro kamid ah ciidamadaas.

Waxaa la xaqiijiyay geeridda saddex Askari iyo labo qof oo shacab ah.

Waxaa sidoo kale jira khasaaro isugu jira dhaawac iyo bur-bur hantiyeed oo soo gaaray dadkii ka agdhawaan saldhigga la weeraray oo ay daganyihiin ciidamo qayb ka ah AMISOM.

Fariimo la soo dhigay barta rasmiga ah ee Twitterka ee Amisom ayaa lagu sheegay in weerarka uu isugu jiray qarax ismiidaamin ahaa iyo rag 10 gaaraya oo hubeysan oo weerar ku qaaday xerada.

Weerarkan ayaa loo adeegsaday gaari noociisu yahay UD oo dushada laga soo saaray Bal-Cowska xooluhu cunaan-balse lagasoo buuxiyay walxaha qarxa.

Jabuuti ayaa Soomaaliya ka joogaan ciidamo ka badan 2000 askari kuwaasi oo ka hawlagal gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey qaraxa magaalada Beledweyne, waxaana uu tacsi u diray dhiggiisa dalka Jabuuti.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM