​Faah faahin weerarka Hotel Dayax [Dhagayso+Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Khasaaro laxaad leh ayaa ka dhashay labo qarax oo maanta ka dhacay hotel ku yaalla magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, sida ay warbaahinta u sheegeen mas'uuliyiinta goobaha caafimaadka iyo dowladda Somalia.

Wararkii ugu dambeeyay ee uu helayo Warsidaha GO, ayaa sheegaya in khasaaro naf iyo maalba leh isugu jiro ay gaysteen weeraradii lagu qaaday hotel Dayax ee magaalada Muqdishu.

Wasiirka wasaaradda Amniga Somaia, Cabdirasaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in weerarkaas uu ku bilowday gaari lagu qarxiyay afaafka hotelka isagoo intaas ku daray inuu xigay weerar kale oo dhacay qarax koowaad kadib.

Cumar, ayaa sheegay in mallayshiyada dagaalka soo qaaday aysan gudaha u galin hotelka balse lagu jabiyay difaaca labaad ee lagu amray meherada ku yaalla Muqdishu inay samaystaan si looga hortago falalka kooxdaas.

Wuxuu sidoo kale khaqiijiyay in khasaaraha falkaasi uu koobnaa khasaarihiisu marka loo eego baahadda uu lahaa, isagoo sheegay inay dhimashadu tahay 10 qof, waloow goobaha caafimaadku intaas ka badaniyaan oo la warainayo ilaa 12 ruux, halka dhaawaco gaarayo 51 qof.

Qaraxaas waxaa sidoo kale dhibaato kasoo gaartay sawir qaadayaal ka howlgala caasumadda Somalia.

Dhinaca kale weerarka kooxda Shabaab ku qaaday hotelka, waxaa ku geeriyooda Malaaqyo kasoo jeeday maamulka Koonfur Galbeed kuwaasoo lagu kala magacaabo; Malaaq Cabdirashiid Malaaq Cabdisalaam oo kamid ahaa 135-tii oday dhaqameed iyo Malaaq Malabow Malaaq Isaaq.

Sidoo kale waxaa ku dhintay Xildhibaano kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed.

Sawirro laga soo qaaday weerarkaas ayaa muujinaya dhibaato xoog leh oo soo gaartay dhismahaas iyo goobo ganacsi oo ka agdhawaa.

Qaraxyadan ayaa yimid xilli magaalada Xamar kasocoto diyaargarowga doorashada Madaxweynaha Somalia oo maalmaha soo socda la shaacin doono waqtiga ay dhici doonto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM