Faahfaahin khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxa culus oo saaka ka dhacay nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ee magaalada Muqdishu, ee Caasumada Somalia.

Mid ka mid ah Taksiileyaasha ka howlgala magaalada Muqdishu, oo lagu magacaabi jiray Mahad Cabdi, ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay qaraxa, oo ahaa mid loogu xiray Gaarigiisa Tagsiga.

Gaariga ayaa ku qarxay Waddada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Isgoyska KM4, gaar ahaan afaafka hore ee Hotel-ka Jazeera. Qof kaloo Gaariga saarnaa ayaa sidoo kale dhaawac soo gaarey.

Ciidamada dowladda Somalia ayaa goobta xiray, kadibna ka sameeyay howlgal baaritaan ah oo ku aadan sababta loo bartilmaameedsaday Taksiilaha, oo wararku ay sheegayaan inuu dhalay Sarkaal ciidan.

Goobjoogiyaasha ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in wax saameyna ah, uusan qaraxa ku yeelan goobaha ka agdhawaa, sida Hotel Jazeera, Goobo Ganacsi, iyo dhisamaha Hay'addaha QM, oo ay kamid tahay UNDP.

Ma jirto cid sheegatay Mas'uuliyada qaraxa, oo qeyb ka ah qaraxyo maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdishu kusoo badanayay, kuwaasi oo qaarkood ay sheegatay Kooxda Al shabaab.

Qaraxii ugu dambeeyay waxuu ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar Jimcihii lasoo dhaafay, kaasi oo uu fuliyay nin isku soo xiray walxaha qarxa oo isku-dayay inuu dilo Taliyaha Ciidanka Asluubta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM