Faahfaahin: Khasaaraha Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia - Fahafaahin dheeri ah ayaa laga helayaa qarax loo adeegsaday gaari walxo qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay barqadii maanta inta u dhaxeysa taalada Daljirka Daahsoon iyo xaruntii hore ee Baarlamaanka Somalia ee Muqdisho.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Cabdullaahi Tuulah oo goobta Shir jaraa'id ku qabtey ayaa xaqiijiyay in qaraxa ay ku dhinteen labo qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen shan kale oo shacab ah.

Tuulah ma uusan fahfaahin bartilmaameedka weerarka iyo waxa ay kala yihiin labada ruux ee ku geeriyoodey qaraxa gaari, kaasoo wararku ay sheegayeen inuu ka dhacay meel ku dhaw Taaladda Daljirka Dahsoon.

Qaraxa ayaa dhalilal dab xooggan oo qabsaday dhowr gaari oo taallay Kaalin Shidaal oo goobta ku dhawayd, waxaana lagu soo waramayaa in ciidamada amniga ay wadaan baaritaan ku aadan falkan.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada qaraxa maanta ka dhacay Muqdisho, balse, kooxda Al-Shabaab ayaa looga bartay falal noocaan ah oo ka dhaca caasimada Somalia.

Amniga ayaa kamid ah waxyaabaha ugu muhiimsan oo ay ku guuldareystay xukuumada Xasan Cali Khayre inay wax ka qabato, iyada oo mudii ay jirtay ay magaala madaxda martigelisay weeraro dhimasho badan.

Bishii October ee sanadkii 2017, waxaa Isgoyska Zoobe ee Muqdisho ka dhacay weerarkii ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya iyo caalamka, kaasi oo ay geysteen kooxaha argagaxisada, iyada oo lagu dilay in ka badan 500 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM