Taliyaha Sirdoonka Galmudug oo ka badbaaday isku day dil

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay magaaladda Muqdisho maanta oo Arbaco ah.

Qaraxa ayaa ka dhacay saacadihii hore ee maanta irida Hotel Mubaarak, oo ku yaalla wadada mashquulka badan ee Makka Al-Mukarama, waxaana xigtay rasaas culus oo ciidamada ay rideen.

Illo ku dhaw Booliska ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in qaraxa lala eegtay nin lagu magacaabo Cabdi Dheere oo la sheegay inuu yahay taliyaha NISA qeybta Galmudug, balse ka badbaaday.

Ugu yaraan labo ruux oo shacab ah oo wadada dhinaceeda marayay ayaa dhaawacyo kasoo gaarey qaraxa oo ahaa mid ku xirnaa Gaari la dhigay afaafka Hotel-ka.

Dhowr gaari oo kale oo irida hotel-ka yaalla ayaa ku gubtay qaraxa, waxaana hakad galay mudo daqiiqado ah isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha ee jidka Makka Al-Mukarama.

Al-Shabaab oo inta badan qaraxyada noocan ah ka fulisa caasimadda dalka, oo amnigeeda uu liito, ayaa dusha saartay isku dayga lagu khaarjin ahaa sarkaalkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM