Faahfaahin: Labo Qarax oo ka dhacey magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhimatay, 17 kalena way ku dhaawacmeen labo Qarax oo caawa fiidkii ka dhacay magaalada Muqdishu, ee caasumdda Soomaaliya.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifatax Cumar Xalane, ayaa xaqiijiyay qaraxyada, oo uu sheegay inay ahaayeen  nooca bamka gacanta ah lagu weeraray  Maqaaxi ku taalla Isgoyska Tarabuunka, halkaasi oo fariistaan askar katirsan ciidamada dowladda Somalia.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in Tirada dhimashada ay intaasi ka badan karto, sababtoo ah waxaa jiro dadka dhaawacmay qaarkood, oo xaaladood ay aad u liidato laguna dawaynayo Isbitaalka Madiina.

Jugta Qaraxyada ayaa laga maqlay qeybo kamid ah Muqdishu abaare 7:00 p.m.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxyada kadib ay goobta gaareen ciidamo kuwa amniga ah, oo sameeyay howlgal tiro dad ah ay kusoo qabteen, kuwaasi oo lagu xiray xarunta dembi-baarista ee CID-da.

Sarkaal katirsan ciidamada Booliska Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay Kooxda Al shabaab inay ka dambayso weerarka lagu dilay askarta ee ka dhacay Maqaaxida ku taallo Tarabuunka.

Al shabaab ayaa mudooyinkii dambe xoojisay weerarada magaalada Muqdishu, si ay u carqaladaysao doorashooyinka Gudoonka baarlamaanka iyo mida Madaxweyne oo Bishan dhacaya.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM

Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday saldhigga ciidamada Itoobiya ee Baydhabo

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka saaxiibbada caalamka.

  • Soomaliya

    06-04-2026

  • 03:20PM