Faarax Cabdiqaadir oo Daboolka ka qaadey sababihii ridey Dowladdii Xasan Sheekh [Dhageyso]

Image

MUQDISHU, Somalia - Faarax Sheekh Cabdiqaadir, Wasiirkii hore ee Cadaallada, ahna Xildhibaanada katirsan Aqalka hoose ee Barlamanka Somalia ayaa qiray in dowladda uu katirsanaa ee Xasan Sheekh hogaaminayay ay ku fashilantay dib u habeynta Adeegga Garsoor dalka. 

Isagaa ka hadlyaya Kulankii Barlamanka shalay oo Su'aallo lagu waydiinayay Wasiirka Cadaalada, ayaa sheegay in ay Xukuumadii hore ay u dhacday inay sixi waysay khiladaadkii ka jiray Garsoorka. 

Faarax Cabdiqaadir ayaa kula taliyay Wasiirka Cadaaladda in Gudiga Adeegga Garsoor ee uu soo dhisayo inuusan kusoo darin Liiska Xubnihii hore, oo uu ku eedeeyay inaysan isaga fashiliyeen.

"Waxaan ka xumahay inaan sameyn waayay Gudiga Adeegga Garsoorka, xilligaan Wasiirka Cadaalada ahaa, waxaana qirayaa in Xukuumadii aan kamid ahaa u dhacday Garsoorka oo la habeyn waayay," ayuu yiri Faarax Sheekh Cabdiqaadir. 

Wuxuu sheegay Xildhibaan Faarax in ay Madaxdii hore ay u arkayeen dib u habeynta Garsoor beegsi iyaga loola jeedo, sidaasi dardeedna ay caqabad ku noqdeen in la saxo daldalooladii ka jiray adeegga Garsoorka dalka.

“Waxaan rabaa in aan dadka Soomaaliyeed u sheego, oo inagana isku sheegno, Garsoorka waa laga cabsoodaa, Garsoorka isagaa kala cabsooda, Dib u habeynta Garsoorka waxaa ka cabsooda dad Garsoorka ku jira oo awood leh, waxaa ka cabsooda, Golaha fulinta iyo Baarlamaanka, marka waa inaan ka shaqeyno in dadka cabsidaasi laha baabi'iyo," ayuu yiri Faarax Cabdiqaadir.

Dib u habeynta Garsoorka iyo dhisamaha Gudiga Adeegga Garsoorka, waxa uu ku tilmaamay Faarax Cabdiqaadir inay tahay shaqo aad u dhib badan, oo caqabado uu kala kulmi Wasiir kasta oo Caadaladda yimaado dhanka Madaxda sare ee dowladda markaasi jirta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM