Faarax Cabdulqadir oo isu sharaxay Guddonka Barlamanka Federaalka

Image

MUQDISHU, Somalia- Farax Cabdulqaadir oo ka tirsanaan jirey golaha xukuumada Federaalka ahaan jirey a Xildhibaan ka tirsanaan jirey Barlamanka watigiisu dhamaadey ayaa maanta galinkii dambe isu sharaxay Gudoomiye ku xigeenka kowaad aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia.

Farax Shiikh Cabduqaadir oo siyaasad ahaan aad isugu dhow yihiin Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ka tirsan beesha shanaad  kuwasoo ku tartama kursiga gudoomiyaha koowaad ee aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia.

Cabdulqaadir ayaa xilal kasoo qabtey xukumadihii la dhisey Afartii sano ee Xasan Shiikh Madaxweynaha ka ahaa dowlada Federaalka Somalia ayaa Barlamnakii waqtigiisu dhamaadey diidey inuu ka is noqdo golihii wasiirada ugu dambeeyey ee Ra'isal Wasaare Cumar Candirashid soo dhisey.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM