Fahad Yaasiin oo "fashiliyey" shirkii DF iyo musharaxiinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa mas'uul ka ahaa burburka wadahadalkii musharaxiinta iyo xukuumadda xil-gaarsiinta wuxuuna caqabad hor-dhigayey xal kasta, sidda uu sheegay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsanaa guddiga qabanqaabiyey wadaxaajoodyadda ayaa sheegay in mudadii is-aragu socday uu Ra'iisul Wasaare Rooble ka ahaa wadahadalka xubin sharafeed.

Sidda laga soo xigtay Mahad Salaad, waxaa musharaxiinta la doodayey Cabdiraxmaan Dheere, wasiiru dowle ka tirsan xukuumadda xil-gaarsiinta kuna dhow Fahad Yaasiin, oo dowladda haatan jirta go’aanadeeda ugu waaweyn saameynta ugu badan ama ugu yaraan go’aamin kara.

"Sagaalka saac ee shirku socday ma uusan ahayn Ra'iisul Wasaare Rooble iyo Madaxwayne Farmaajo wuxuu ahaa Cabdiraxmaan Dheere oo caqabad hordhigayey wax kasta oo laga wadahadlayo waxa uu meesha ka akhrinayey waxa ahayd fariimo loosoo dhiibay. Fahad Yaasiin ayaa wax kasta oranayey fariin qoraal ha liigu soo qoro. Cabdiraxmaan Dheere ayaana jawaabta timid akhrinaaye," ayuu mudanuhu xalay ka yiri bar-kulanka Clubhouse.

Madaxwayne Farmaajo ayuu ku eedeeyay in uu dalka geliyey xaalad khatar ah isla markaana uu xafiiska joogo isaga oo muddo xileedkiisa uu dhamaadey, wuxuuna soo jeediyey in dacwad ciqaab lagu soo oogo.

Sharci-dejiyaha ayaa rajo wanaagsan wuxuu ka muujiyey in wanaag ay kusoo dhamaan doonto xaaladda daka galay isla markaana muran kasta uu haatan taagan lagu soo dhameyn doono wadahadalo.

Shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta ayuu tibaaxay in ay fahmeen in Rooble uusan go’aan gaari karin, wuxuuna si aan toos ahayn u caddeeyay in siyaasiyiinta aysan dib dambe miis wadahadal la fariisan doonin.

Soomaaliya ayaa haatan waxay qarka u saaran tahay in ay muddo bil ah dhexda kaga jirto firaaq dastuuri ah iyo in uu xafiiska ugu sareeyo ee waddanka uu ku sugan yahay madaxwayne muddo xileedkiisa uu dhamaadey, mana muuqato isu-soo-dhowaanshiyo xal looga gaarayo is-mari-waaga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM