Fahad Yaasiin oo u safray Qadar xilli dalku galayo doorasho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Agaasimaha hay’adda mukhaabaraadka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa socdaal aan la shaacin wuxuu ku gaarey waddanka Qadar, sida uu warsidaha Garowe Online ka ogaadey dad la socda dhaqdhaqaaqiisa.

Booqashadiisa qarsoodiga ah ayaa kusoo aadeysa xilli waddanka galayo doorasho isla markaana sidii loo dardargelin lahaa arrimaha coddeynta looga arrin-sanayo caasimada Muqdisho.

Dooxa ayaa ah saameyn dhaqaale waxay ku lahayd ololihii 2017-kii taasoo dhabaha u xaartey guusha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tilmaamaheeda ku shaqeeyay afartii sano ee lasoo dhaafay walina u muuqanaya mid diyaar u ah in uu soo laabto.

"Socdaalka Fahad ee Qadar waa mid caadi ah oo qeyb ka ah safarada uu bilooyin kadib ku tago Dooxa. Balse waxa kalkan cusub waa in uu kusoo aadey kahor doorashooyinka iyo in uu isagu musharax u yahay kursi Xildhibaan," ayay sheegeen illaha.

Fahad, oo afartii sano ee lasoo dhaafay ahaa gacanta midig ee farmaajo isla markaana gaarayey go’aanada ugu waaweyn ee dowladda, ayaa doonaya in uu kursiga Xildhibaano ee beeshiisa degta maamulka HirShabeelle kala wareego Faarax Cabduqaadir.

Ma ahan kaligii, wuxuu sidoo kale doonayaa in uu soo saaro saraakiil kale oo kamid ah hogaanka iyo dharcadka hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA.

Jagada Xildhibaanimo ayaa la aaminsan yahay in ay u goobayaan sidii ay isugu ilaalin lahaayeen afarta sano ee soo aadan haddii ay ku fashilmaan soo laabashada Farmaajo "maadaama ay tacadiyo iyo dambiyo waaweyn galeen intii ay xafiiska joogeen".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM