Fahad Yaasiin: Madaxda deggan Madaxtooyada waa inay ka guuraan

Image

MUQDISHU, Somalia - Agaasiimaha cusub ee Madaxtooyada Somalia, Fahad Yaasiin, ayaa ku amray Hay'adaha iyo Wasiirada, Xildhibaanada deggan xarunta Villa Somalia inay uga guuraan mudo 14 maalmood gudahooda.

Warqad amar ah oo uu soo saarey Fahad Yaasiin ayaa lagu waregliyay dhamaan dadka deggan Madaxtooyada, inay u faarujiyaan, marka laga reebo Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dadka uu amarkan Fahad Yaasiin saameynayo waxaa kamid ah Ra'iisul Wasaaraha, Gudoomiyaha Barlamanka, Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyoo Madax kale oo katirsan dowladda Federaalka Somalia kuwaasi oo dhex deggan Madaxtooyadda.

Waqtiga loo qabtay dadka degan Madaxtooyadda waxuu ku eg yahay 22-ka Bishan August, oo ay ka harsan tahay 12 Cisho oo kaliya, maadaama ay Warqadda ay soo baxday 6-da bishan.

"Waxaan wargelineynaa dadka deggan Madaxtooyada inay kuu baneeyaan mudo 14 maalmood gudahooda, oo ka billaabanaysa maanta oo Taariikhdu tahay 6-da bisha August, 2017, kuna eg 22-ka August, 2017," ayaa lagu yiri Warqada Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin ayaa sababta Madaxda uga guuraan Villa Somalia ku sheegay in la dhisayo qasriga, wuxuuna ku amaray Taliyaha amniga Madaxtooyada iyo Abaanduulaha Ciidanka Madaxtooyada inay fuliyaan go'aankan.

“Si aan u dhisno loona bilaabo shaqada dhismaha waxaan dhamaan dadka kala duwan ee degan dhismaha wayn ee Madaxtooyadda si sharaf leh looga codsanayaa lana farayaa inay ka guuraan dhismaha Madaxtooyadda," ayuu yiri Agaasiimaha Villa Smalia.

Lama oga inuu dhaqan-geli doono amarka Fahad Yaasiin, oo aad u gilgiley Madaxda sare ee dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM