Fahfaahin cusub oo ku saabsan is-afgaradka madaxda Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda ayaa lagu waramayaa in ay isla meeldhigeen shaxda magaalooyinka ay ka qabsoomeyso doorashada baarlamaanka 11-aad ee waddanka.
Sidda ay muujineyso xogta, hogaamiyeyaasha ayaa isku raacay in coddeynta ay dhacdo mudada u dhaxeysa 15-ka October illaa 15-ka November taasoo la macno ah in ay soconeyso hal bil ama muddo 30 maalmood.
Guddi wadajir ah oo ka kooban xubno ay soo xushaan dowladaha xubinta ka ah federaalka iyo dowladda dhexe ayaa maamuli doona, iyaddoo madaxweyne Farmaajo soo magacaabayo Guddiga Xalinta Khilaafaadka.
Iyagoo ka shidaal-qaadanaya heshiiskii 17-ka September la shaaciyey, madaxda ayaa laba magaalo u asteeyay in ay ka qabsoonto doorashada Xildhibaanada.
Mudaneyaasha baarlamaanka kasoo galaya waxaa lagu soo dooran doonaa magaalooyinka Garowe, oo caasimada ah, iyo Boosaaso.
Sharci-dejiyeyaasha ka imaanaya dhinaca Galmudug waxaa lagu soo dooran doonaa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo koonfurta Gaalkacyo.
Xildhibaanadda degaan doorashadoodu tahay Jubaland waxaa laga soo xuli doonaa magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey.
HirShabelle waxaa wakiiladeeda lagu dooran doonaa Jowhar iyo Beledwayne, halka Koonfur Galbeed lagu soo xuli doono Baydhabo iyo Baraawe.
Xubnaha metalaya gobolka Banaadir iyo Somaliland waxaa loogu coddeyn doonaa magaala madaxda dowladda federaalka ah ee Muqdisho.
"Kadib xulista baarlamaanka, madaxda waxay isku raacdey in guddoonka golaha la doorto 8-da Janaayo si tan madaxtinimada u qabsoonto 8-da Febraayo, 2021," ayuu Garowe Online u sheegeen dhowr illo wareedyo kala duwan.
Heshiiskan siyaasadeed ayaa meesha ka saaraya hubanti la'aanta ku geedaamaneyd in cod-bixinta ay waqtigeeda ku dhaceyso, wallow la saadaalinayo in ay imaan karto dib-u-dhac farsamo "taasoo noqon karta bilooyin".
GAROWE ONLINE