Fahfaahin: Khasaaraha Qarax ka dhacay Muqdishu oo korartay

Image

MUQDISHU, Somalia - Ugu yaraan Lix ruux ayaa ku geeriyootay, ku dhawaad 10 kalena way ku dhaawacmeen qarax loo adeegsaday gaari nooca HARRIER-ka, oo saaka barqonimadii ka dhacay bartamaha magaalada Muqdishu.

Wasaarada Amniga Xukuumadda Somalia ayaa sheegtay in qaraxa uu ka dhashay Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasi oo ku qarxiyay wadadka Makka Al-Mukarama, xilli ay ciidamada amniga ku joojiyeen Bar Koonatrool, oo ku dhaw saldhigga Booliska degmada Waaberi.

Gaariga ayaa mar kaliya qarxay markii la joojiyay, waxaana uu galaaftay nolosha shan ruux oo shacab ah, oo qaarkood fadhiyay goob Makhaayada ah oo wadada qarkeeda ku taalla, iyo dad kale oo la socdey Garawaari BL ah, daba socday baabuurka qarxay.

Xilliga qaraxa Wadadka Makka Al Mukarama waxaa ka jiray Mashquul aad u badan, oo ciidamada ku baarayeen Gaadiidka, waxaana taasi ay keentay inu bato khasaaraha shacabka. Goobta qaraxa waxay u dhaxaysa Hotel Makka Al-Mukarama iyo Saldhiga Waaber.

Waa qaraxii labaad, oo tan iyo shalay ka dhacaya magaalada, waxaana taasina loo sababeeyay habacsanaan ka jirta Ha'addaha amniga dowladda Federaalka, oo hoos u dhacay Howlgalkii Xasilinta Caasumadda, oo dardar ku billowday bishii Ramadan-ka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM