Fahfaahin kasoo baxaysa Qarax ka dhacay Muqdishu [Dhageyso]

Image

MUQDISHU, Somalia - Fahfaahin iyo warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo saaka ka dhacay magaalada Muqdishu, ee caasumadda Somalia.

Goobjooge magaciisa ka gaabsaday ayaa GO u sheegay in qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay, taasi oo haleeshay gaari nooca raaxada ah, oo marayay inta u dhaxaysa Isgoysyada Soos iyo Ex-control Balcad.

Labo qof, oo mid uu yahay Askari katirsan Ciidamada Nabad Sugida dowladda Federaalka Somalia, ayaa ku dhaawacmay qaraxa miino, waxaana kala kala dhigay Isbitaallo ku yaalla magaalada Muqdishu.

"Aniga waxaa kamid ahaa dadkii u gurmaday dhaawacyada. Labada qof mid waa shacab waxaan geynay Isbitaalka Duurul Shifa, halka midka kale oo ah Askari katirsan NISA loo qaadey xarun caafimaad oo ku taalla Xarunta Nabad Sugida ee Habar-khadiija," ayuu yiri Goobjoogaha.

Wuxuu intaasi ku daray in Ciidamada dowladda ayaa xireen goobta uu qaraxa ka dhacay, islamarkaana ay sameeyeen howlgal, aan wali la ogeyn cida lagu soo qabtey. Ma jirto cid sheegatay Mas'uuliyada weerarka.

Saraakiisha hay'adaha amaanka dowladda wali kama aysan hadlin qaraxa maanta.

Al shabaab ayaa adeegsadata qaraxayada dhulka lagu aasi, oo ay ku weerarto gaadiidka ciidamada dowladda iyo kuwa Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, xilliga ay marayeen wadooyinka ka baxa magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM