Fahfaahin kasoo baxaysa Qarax ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Warar iyo Fahfaahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdishu, kaasi oo geestay khasaarooyin kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

Qaraxan oo ahaa mid culus, oo loo adeegsaday Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa ayaa ka dhacay meel ku dhaw Hotel Makka Al Mukarama, oo ku dhaw Isgoyska Dabka, oo kamid ah wadooyinka ugu mashquulka badan Caasumadda Somalia.

Goobjooge ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online inuu indhihiisa ku arkay ugu yaraan hal ruux oo meyd ah, iyo saddex kale oo dhaawacyo soo gaarey kuwaasi oo loola cararay Isbitaal ku yaalla magaalada.

Gaari qaraxa ayaa la sheegay in lagu qabtey bar-koonatarool oo ku taalla afaafka Hotel Makka Al Mukarama, kadib markii Ciidamada amaanka ay ka shakiyeen, kahor inta uusan qarxin. Ninkiii watay ayaa goobta isaga cararay, si aan loo qaban, maadama uu fashilmay weerarkiisa.

Saraakiisha amniga waxay sheegeen in la fashiliyay qaraxa, islamarkaana lagu raad-jooggo Darawalka Gaariga.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada qaraxa caawa, oo noonaya kii labaad oo ka dhacay Wadada Makka Al Mukarama. 

Qaxaxii hore waxa uu ka dhacay irida Hotel Ambassador oo ku dhaw KM4 Jimcihii lasoo dhaafay, 4-ta bishan August, waxaana ku dhimatay ugu yaraan 6 ruux, oo shacab ah, oo haweeney iyo caruur ay kamid ahaayeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM