​Fahfaahin: Khasaaraha Dagaalka Xeraale oo kordhay iyo Xaaladda oo deggan

Image

XERALE, Somalia - Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo mudo labo maalmood ah ka socday deegaanka Xeraale, ee gobolka Galgaduud, kaasi oo u dhaxeeya Labo Malleeshiya beeleed.

Wararka GO uu ka helayo dadka deegaanka iyo Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in tirada dhimashada dadkii lagu dilay dagaalka ay gaartey 20 ruux, halka dhaawacana uu kor u dhaafayo 40.

Galmudug iyo Ahlu Sunna, ayaa midba midka kale ku eedaayay inuu hurinayo colaadda, taasi oo la sheegay inay salka ku hayso arrimo la xiriira maamulka Xeraale, oo hoostaga degmada Caabudwaaq.

Deegaanka Xeraale, oo qiyaastii 600KM dhanka waqooyi ee magaalada Muqdishu ayaa waxa uu dagaal ka qarxay maalintii Jimcihii lasoo dhaafay, kaasi oo soo gaarey Sabtidii shalay.

Warsidaha Garowe Online oo la hadlay dhowr qof oo dadka deegaanka katirsan ayaa ogaadey in Dagaalka uu u dhaxeeyo Malleeshiya taabacsan Galmudug, iyo ciidamada mamaulka Ahlu Sunna.

Malleeshiyada ayaa doonaya inay deegaanka ka saaraan ciidamada Ahlu Sunna, oo inta badan ka arrimiya magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo deegaano badan oo katirsan Galgaduud.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay labada dhinac maalintii jimcaha inay si deg deg ah ku joojiyaan colaadda, islamarkaana ay wadahadal ku dhameeyaan khilaafkooda.

Xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana soconaya dedaallo ay wadaan odayaasha deegaanka oo xal ay ugu raadinayaa dagaalka, iyagoo isku dayaya inay gogol nabadeed u fidiyaan labada dhinac.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM