​Fahfaahin: Khasaaraha Dagaalka Xeraale oo kordhay iyo Xaaladda oo deggan

Image

XERALE, Somalia - Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo mudo labo maalmood ah ka socday deegaanka Xeraale, ee gobolka Galgaduud, kaasi oo u dhaxeeya Labo Malleeshiya beeleed.

Wararka GO uu ka helayo dadka deegaanka iyo Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in tirada dhimashada dadkii lagu dilay dagaalka ay gaartey 20 ruux, halka dhaawacana uu kor u dhaafayo 40.

Galmudug iyo Ahlu Sunna, ayaa midba midka kale ku eedaayay inuu hurinayo colaadda, taasi oo la sheegay inay salka ku hayso arrimo la xiriira maamulka Xeraale, oo hoostaga degmada Caabudwaaq.

Deegaanka Xeraale, oo qiyaastii 600KM dhanka waqooyi ee magaalada Muqdishu ayaa waxa uu dagaal ka qarxay maalintii Jimcihii lasoo dhaafay, kaasi oo soo gaarey Sabtidii shalay.

Warsidaha Garowe Online oo la hadlay dhowr qof oo dadka deegaanka katirsan ayaa ogaadey in Dagaalka uu u dhaxeeyo Malleeshiya taabacsan Galmudug, iyo ciidamada mamaulka Ahlu Sunna.

Malleeshiyada ayaa doonaya inay deegaanka ka saaraan ciidamada Ahlu Sunna, oo inta badan ka arrimiya magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo deegaano badan oo katirsan Galgaduud.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay labada dhinac maalintii jimcaha inay si deg deg ah ku joojiyaan colaadda, islamarkaana ay wadahadal ku dhameeyaan khilaafkooda.

Xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana soconaya dedaallo ay wadaan odayaasha deegaanka oo xal ay ugu raadinayaa dagaalka, iyagoo isku dayaya inay gogol nabadeed u fidiyaan labada dhinac.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM