Fahfaahin ku saabsan khasaaraha qaraxii ka dhacay Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan sideed ruux ayaa ku dhaawacantay ka gedaal markii qarax gaari uu fiidnimadii Khamiista lagu weeraray Kuliyada Ciidamada Booliska ee ku taala degmada Xamar Jajab.

Taliye ku xigeenka ciidanka bileyska ayaa shaacisay in uusan jirin dhimasho ka dhalatay weerarka. Balse warbaahinta maxaliga ah ayaa tabineysa geerida 10 ruux oo shacab iyo askar isugu jira.

Zakiya Xuseen Axmed ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in saxaafada gebi ahaanba laga mamnuucay goobaha qaraxyadu ka dhacaan. "Waa ilaa iyo mar dambe," ayay raacisay, iyada oo aan sabab shaacin.

Al-Shabaab oo sheegtay mas'uuliyada dhacdadaan ayaa tibaaxay in ay ku beegsaday Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayna "ku laysay askar badan oo xoogaga dowlada kamid ah".

Goobjoogayaal ayaa soo wariyay in gaari qarxay oo nooca raaxada ahaa uu ku qarxay makhaayad mashquul badan oo ku taala dibada Kuliyada, halkaasi oo uu ka dhashay khasaaraha ugu badan.

"Kahor inta uusan qaraxu ka dhicin goobta waxay ahayd mid ay ka jirtay jawi cabsi ah … ciidamada ayaana waday roondo joogta ah," ayuu yiri Calinuur Aadan, oo kamid ah dadka degan aagaasi.

Qaraxaan ayaa imaanaya 24-saac kadib markii taliska Booliska uu soo saarey digniin ku aadan gaari walxaha qarxa lagu soo rakibay oo ku jira caasimada, uuna damac-san yahay weerar.

Duulaanka lagu ekeeyay Kuliyada General Kaahiye ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee ka dhaca Muqdisho tan iyo markii lagu soo rogay bandow, xaalad deg deg ah iyo howlgalo saf balaaran leh.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM