Fahfaahin ku saabsan Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia - Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax ka dhashay gaari lagu soo rakibay waxyaabo qarxa ayaa ka dhacay Isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen Booliska

Gaariga qaraxa lagu soo xiray oo ahaa nooca Toyota Hilux ayaa ku qarxay albaabka Premier bank, waxaana goobta gaarey gaadiidka gurmadka deg dega, oo Isbitaal u qaadey afar ruux oo dhaawac ah.

Lama ogga cida uu ahaa bartilmaameedka qaraxa, kaasoo kusoo beegmaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay caasimada martigelinaysay qaraxyo noocaan ah oo baabuurta lagu xiro.

Inta badan Al-Shabaab ayaa qaraxyadda baabuurta lagu xiro ee loo yaqaano dhejiska ku beegsata shaqaalaha dowladda, Hay'adaha iyo suxufiyiinta ka howlagala magaalada.

Isgoyska Taleex, ee degmada Hodon oo ah meel mashquulkeedu badan yahay ayaa waxaa fariista ciidamada booliska dowladda Federaalka, oo gaadiidka raaxadda ku baara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM