​Fahfaahin ku saabsan Qaraxii ka dhacay Beledweyne [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BELEDWEYNE, Somalia - Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay, 15 kalena way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ahaa, oo saaka ka dhacay afaafka hore ee xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

Goob-jooge ayaa sheegay in Qaraxa uu fuliyay ruux isku soo xiray walxaha qarxa, kaasi oo isku qarxiyay Makhaayad mashquul badan, oo ku taalla kasoo horjeedka Xafiiska Gudoomiyaha gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim Baadiyoow oo warbaahinta la hadlay ayaa cambaareeyay Qaraxa, oo uu sheegay in lagu laayay dad shacab ah oo iska fadhiyay Makhaayadda.

Maxamed Cali, oo ah Kalkaaliye caafimaad oo katirsan Isbitaalka Guud ee Beledweyne, ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online, in lasoo gaarsiiyay dhaawacyada 15 qof, oo 3 kamid ah ay Wariyaal yihiin.

Kooxda Al shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda weerarka Beledweyne.

Afhayeenka dhanka howlgallada Al shabaab, Cabdicasiis Abu Muscab ayaa tilmaamay in qaraxa ay ku dileen lix kamid ah Shaqaalaha maamulka gobolka Hiiraan, oo ku jiray Makhaayada ay qarxiyeen.

Jimcihii lasoo dhaafay, Qarax noocan ah ayaa ka dhacay Makhaayad ku taalla Baydhabo, waxaana ku dhintay 4 qof, oo ay kamid ahaayeen labo shaqaale samafal, oo la shaqeynayay Hay'ado gargaar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM