Fahfaahin laga bixiyey yagleelida Golaha Badbaado Qaran

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Badbaado Qaran ee Khamiista maanta ah looga dhawaaqay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxay soo saartey war-murtiyeedkii ugu horeeyay.

War-murtiyeedkaas oo ka kooban laba bog ayaa lagu fahfaahiyey sababaha keenay aas-aaskooda, ujeedooyinkooda, xubnaha, waajibaadka shaqo iyo guddoonkooda.

Talaabooyin Farmaajo ku kacay oo ay kamid tahay ku tumasho dastuur, carqaladeynta qabsoomida doorasho xor ah, u adeegsiga ciidanka arrimo siyaasadeed, amrida weerarkii lagu qaadey madaxwayneyaashii hore iyo banaanbaxyada nabadeed iyo is hortaaga shirar wadatashi ayay ku sheegeen sababaha keenay aas-aaskooda.

Ujeedooyinka loo aas-aasay ayay ku xuseen xaqiijinta qabsoomida doorashooyin wada-ogol, badbaadinta nabadda iyo qaranimada dalka si lamid ah ilaalinta xasiloonida siyaasadeed.

Xubnaha kamidka ah ayaa kala ah; Guddoomiyaha Aqalka Sare, Madaxwayneyaasha Puntland iyo Jubaland iyo Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxtinimadda Soomaaliya.

Sidda ku cad bayaanka, waajibaadkooda shaqo ayaa kala ah; u howlgalida qabsoomida doorasho wada-ogol ah, dib-u-heshiisiinta, iyo ka hortagida in waddanka uu galo fashil siyaasadeed.

Ugu dambeyntii, waxay sheegeen in uu guddoomiye u yahay Cabdi Xaashi Cabdullaahi, afhayeenka Aqalka Sare, waxaana wehliya, Deni, Axmed Madoobe, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Hoos ka akhriso qoraalka Madasha Badbaada Qaran

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM