FAHFAAHIN: Qarax Gaari oo Muqdisho ka dhacay [Dhageyso]

Image

MUQDISHU, Somalia - Ugu yaraan 3 Askari oo kamid ahaa ciidamada dowladda Somalia ayaa ku geeriyooday, labo kalena way ku dhaawacmeen Qarax  saaka ka dhacay magaalada Muqdishu.

Ciidamada dhintay ayaa ahaa Labo askari oo Police ah mid katirsan Nabad Sugidda. Labo Askari oo ku dhaawacmay qaraxa, ayaa la dhigay Isbitaal ku yaalla Muqdishu.

Taliyaha Howlgelinta ciidamada Booliska gobolka Banaadir Jen Madaale, ayaa tilmaamay in ay ciidamada fashiliyeen Qaraxa baabuurka lagu soo xiray, kaasi oo la doonayay in weerar lagu fuliyo.

Askarta dhimatay ayaa isku dayayay ina qaraxa ka furaan Gaariga, balse ay ku qaraxday.

Madaale ayaa intaasi ku daray in Labo qof oo saarnayd Gaariga, islamrkaana hubaysanaa ay baxsadeen, iyadoo Darawalkoodiina ay haleeyshay Rasaastii ay ciidamada ku rideen baabuurka.

Labad qof ee baxsatay ayuu sheegay in ay ku raadjoogaan, islamrkaana ay soo qaban-doonaan.

Ma jirto shacab wax ku noqday Qaraxa, maadaama goobta ay xiraan Ciidamada kahor inta uusan qarxin gaariga, sida uu Warbaahinta Muqdishu uu u sheegay Jeneraal Madaale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM