​Fahfaahin: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar

Image

MUQDISHU, Somalia - Fahfaahin ayaa kasoo baxaysa qaraxa Ismiidaamin ah, oo maanta oo Jimco ah ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, kaasi oo geestay khasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac. 

Cap Maxamed Xuseen, oo ah Sarkala katirsan Booliska dowladda Federaalka Somalia ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Qaraxa uu ka dhacay Afaafka hore ee Masjid ku yaalla gudaha Xabsiga. 

Wuxuu sheegay in qof isku soo xiray walxaha qarxa uu fuliyay qaraxa, kaasi oo uu la damacsanaa inuu ku dilo Taliyaha Ciidamad Asluubta Somalia, Jeneraal Xuseen Xasan Cusmaan, oo xilligaasi galayay Masjidka. 

Inta la xaqiijiyay Qaraxa waxaa ku geeriyootay Laba Qof oo kala ah ninkii is qarxiyay iyo Askarigii hor istaagay Ismiidaamiyaha, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen saddex kale oo loola cararay Isbitaal. 

Qaraxa ayaa dhacay markii ay soo dhaweyd tukashada Salaadii Jimcaha ee maanta, waxaana si weyn looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir. 

Saraakiil ay kamid yihiin, Taliyaha Ciidanka Asluubta Jen Xuseen Xasan Cusmaan iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Liibaan Cali Yarow, ayaa maalin kasta oo Jimcaha ah maxaabiista Salaadda Jimcaha kula tukada Masjidka Xabsiga Dhexe. 

Kooxda Al shabaab ayaa sheegatay mas'uulidda qaraxa Xabsiga Dhexe ee Xamar. 

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM