Fahfaahin: Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdishu

Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax culus oo dad badan ay ku dhinteen, ayaa maanta waxa uu ka dhacay magaalada Muqdishu, kaasi oo sababey khasaarooyin badan oo isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo loo adeegsaday Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa waxaa lagu weeraray xarunta maamulka degmada Wadajir, ee gobolka Banaadir, xilli halkaasi mashquul badan uu ka jiray.

Afhayeenka dhanka howlgallada Al shabaab Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa sheegay in weerarka ay iyagu ka dambeeyeen, islamarkaana ay ku dileen Shaqaale iyo Madax ka tirsan maamulka degmada.

Qaraxa wuxuu ahaa mid aad u culus, oo laga maqley qeybo kamid ah Muqdishu, waxaana la xaqiijiyay in xilliga uu dhacayay ay xarunta ku sugnaayeen dad barakaciyaal ah, oo safaf ugu jiray raashiin gargaar ah.

Inta la xaqiijiyay illaa 10 qof ayaa ku dhimatay weerarka, tiro intaasi ka badana dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaarey. Waxaa laga yaabaa in khasaaraha uu intaasi ka bato, maadaama ay jiraan dhaawacyo badan.

Wararka waxay sheegayaan in Gudoomiyaha Degmada Wadajir Cumar Cabdullaahi Xasan uu kamid yahay dadka ku dhaawacmaay qaraxa gaari, oo aad u cuslaa, sidoo kalena gilgiley magaalada Muqdishu.

Waa qaraxii labaad oo mudo labo todobaad ka dhacay Caasumadda, xilli ay socdaan Howlgallo ballaaran, oo Ciidamada dowladda ka wadaan magaalada oo dhan tan iyo markii ay billaabatay bisha Ramadan-ka.

Ra'isal wasaraha Somalia ayaa kormeero ku sameynayey howlgalada ciidmada isagoo mararka qaarkood lagu sawirayey isagoo la fadhiya dhalinyaro fadhiya jidadka magalaada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM